Home News in English Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in Qaxootiga Suuriya ay u furayaan Xuduuda Yurub

Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in Qaxootiga Suuriya ay u furayaan Xuduuda Yurub

0

Turkiga ayaa digniin culus u jeediyay dalalka midowga Yurub, iyadoo u sheegtay in haddii dalabkeeda la fulin waayo ay qaadi doonto tallaabo culeys weyn u keeneysa Yurub.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku gooddiyay in waddankiisa uu dib u furi doono marintii ay qaxootiga Suuriya ugu gudbi jireen qaaradda Yurub.

Wuxuu si adag u dalbanayaa in lagu taageero sidii uu goob nabdoon oo qaxootiga joogi karaan looga sameyn lahaa Waqooyiga-bari ee dalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegay in uu u baahan yahay in laga caawiyo dhinaca istiraatiijiyadda, “Waa in sidaas la sameeyo, haddii kale waxaan ku khasbanaan doonnaa inaan albaabbada u furno qaxootiga qulqulaya”, ayuu yiri Erdogan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here