Home News in English Migrationsverket oo Shirkado ku tuhunsan iibinta Sharciyada Deganaanshaha

Migrationsverket oo Shirkado ku tuhunsan iibinta Sharciyada Deganaanshaha

0

Hay’adda socdaalka ayaa tuhunsan in shirkadaha caawiya dadka lixaadkooda uusan dhammeyn in ay ka iibiyaan sharciga deganaanshaha Sweden dadyow ajaanib ah, iyaga oo u dira casuumaad shaqaaleysiin been abuur ah.

Dhowr ka mid ah shirkadahan ayaa shaqaale ka doonto dibeda. Qofka shishiyeeha ah ayaa laga doonayaa ruqsad shaqo si uu uga shaqeysto Sweden ka hor inta uusan imaan.

Idaacadda P4 qeybteeda Örebro ayaa baaritaan ku sammeysay ku dhowaad boqol go’aan oo ay hay’adda socdaalka ku diiday codsiyo sharci deganaansho.

Go’aanadan diidamada ayaa ah codsiyo hay’adda kaga yimid shirkad caawisa dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo ka dhisan gobolka Örebro tan iyo sanadkii 2015.

Natiijadda ayaa muujineysa in hay’adda socdaalku ay u aragtay codsiyada loo soo gudbiyay in ay yihiin heshiisyo aan dhab ahayn oo shirkadaha ku bixiyeen casuumaad shaqo oo been ah. Kiisaska ayaana ah ku dhowaad saddexdii codsi, midkood.

Erik Holmgren oo ah madaxa qeybta bixinta ruqsada shaqada ee hay’adda socdaalka ee Stockholm lana hadlay weriye Andreas Eriksson ayaa sheegay, tusaale ahaan in shirkadaha lacag kula heeshiyaan qof dibeda jooga oo ay u diraan yabooh shaqaaleysiin si qofkaasi u yimaado Sweden si dhib la’aan ah.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in iyana ay jirto hab kale oo ah inay shirkaddaha kula heshiiyaan qofka ay keenayaan in mushaharkiisa uu ka bixiyo lacagta ay kaga iibsanayaan sharciga uu ku soo gelayo dalka.

Sida ay sheegtay hay’adda socdaalka arrinkan is daba marinta yaa si gooni ah ugu dhex jira shirkadaha caawiya dadka lixaadkooda uusan dhammeyn, waxuuna Erik Holmgren oo ah mas’uulka ka tirsan hay’adda socdaalka uu leeyahay waa arrin halis ah gaar ahaan marka arrinakani uu ka jiro shirkadaha u shaqeeya dad u baahan caawinaad.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here