Home Wararka Maanta Xaafada Vällingby Gabar Dhalinyaro ah oo Toogasho lagu dilay Habeenimadii Xalay

Xaafada Vällingby Gabar Dhalinyaro ah oo Toogasho lagu dilay Habeenimadii Xalay

0

Gabar ayaa toogasho lagu dilay xaafadda råcksta oo dhacda galbeedka magaalada Stockholm, iyadoona aan illaa iminka jirin cid loo qabtay falkaasi.

Ciidanka ammaanka ayuu xalay dhambaal qaylo dhaan ah ka soo gaaray xaafadda Råcksta oo dhacda galbeedka Stockholm, kadiv markii ey dhowr qof maqleen dhawaaqyo xabad la rideyo u eg.

Ciidanka ammaanka ayaa kolkii uu goobta yimid xaqiijiyay in xabbado la riday iyagoona goobta ka helay haraayadii xabbadaha..

Gabar xabbado ku dhaawacan ayaa cusbitaalka loola cararey iyada oo lagu qaaday gawaaridda gargaarka degdegga, hase yeeshee u geeriyootay dhawaawacyadii ka soo gaarey waxaana geerideeda lagu war geliyey qaraabadii gabadha.

– Ma hayo akhbaar aan kaa siiyo sidii wax u dhaceen, waxaan ogsoonahay in ciidanka ammaanku ku sugan yahay xaafadda Råcksta sidii sawir looga heli lahaa dhacdadaa, sida ay sheegtay Towe Hägg, af hayeen u hadlashay ciidanka ammaanka Stockholm mar ay wareeysi la yeelatay Ilinor Knoxborn oo ka howlgasha Ekot.

Ciidanka ammaanka ayaa bilaabay baaris la xiriirta dil. Ciidanka ammaanku waxay ku sugan yihiin goobta iyagoona baaris ku haya iyo goobista markhaatiyo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/sverigeradio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here