Home Wararka Maanta Magaalada Malmö oo lagu toogtay Haweeney 30 sano jir ah

Magaalada Malmö oo lagu toogtay Haweeney 30 sano jir ah

0

Haweenay 30 –jir ah oo dhowaantan umul ka baxday ayaa ku dhimatay kaddib markii lagu rasaaseeyey xaafadda Ribersborg ee magaalada Malmö saaka subaxnimadii.

Waxay ahayd barqadii 10-kii subaxnimo markii booliiska loo diray farriin dhiila leh. Laba qofood oo kale ayaa isbitaalka loo qaaday, waloow ay booliisku markii dambe sheegeen in aanay dhaawac ahayn.

Weli qofna looma qaban shilkan, balse booliiska ayaa wada baaritaanno kala duwan, sida uu sheegayo Calle Persson, oo ah afhayeenka Booliiska gobolka Skåne.

– Hadda waxaan dhihi karnaa inaan baaritaan ku wadno is barbardhigga marqaatiyada la hayo iyo cidda dembigan lagu tuhmayo.

Sida uu qoray wargeeyska Sydsvenska weerarkan ayaa looga gol lahaa aabbaha dhalay ilmo ay haweenaydi xabadka ku sidatay kolkii la xabadeeynayey.

Somaliska Malmö

Xigasho/sverigeradio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here