Home Wararka Maanta Xisbiga Moderaterna oo ku kala qeebsan Mamnuucida Xijaabka ee Iskuulada

Xisbiga Moderaterna oo ku kala qeebsan Mamnuucida Xijaabka ee Iskuulada

0

Wargeeyska Dagens Nyheter ayaa maqaal ku sheegay inuu hoggaanka xisbiga Moderaterna (golaha sare ee xisbigu) doonayo in baaris lagu sameeyo mamnuucidda xijaabka ee dugsiyada hoose/dhexe.

– Waxaa jira asbaabo wanaagsan ee iskuulka looga mamnuuci karo xijaabka oo si isku mid ah loola dhaqmi karo wiilasha iyo gabdhaha, sida uu sheegay Gunnar Strömmer, xoghayaha xisbiga Moderaterna.

Su’aasha la xiriirta mamnuucidda xijaabka ayuu ku kala qeeybsan yahay hoggaanka xisbiga Moderaterna, iyadoona qaarkood ey mooshinno u direen shir waynaha xisbig, halka qaarka kalena  ey ka soo horjeedaan.

– Diyaar uma nihin inaannu iminka niraahno haa ama maya, sida uu wargeeyska Dagens Nyheter u sheegay Gunnar Strömmer, hase yeeshee albaabka u furay baaritaan arrinkaa lagu sameeyo.

Iminka waa mid u taala golaha dhexe ee xisbigu inuu go’aan ka qaato arrinkaa illaa iyo inta ka harsan bisha oktoobar, inta ka horreeysa kulan weeynaha xisbiga.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here