Home Wararka Maanta Shaqaalaha Goobaha Waayeelka lagu Xanaaneeyo oo ka Gadoodsan Mushaharka ay Qaataan

Shaqaalaha Goobaha Waayeelka lagu Xanaaneeyo oo ka Gadoodsan Mushaharka ay Qaataan

0

Boqolaal kalkaaliyayaasha loogu yeero undersköterskor ayaa maanta isugu yimid fagaaraha la yiraahdo Mynttorget ee Stockholm iyo qaar ka mida magaalooyinka dalka, iyaga oo gadoodsan kana dalbayana dowlada in ay hagaajiso xaaladaha shaqo ee dadka ka howlgalo goobaha lagu xanaaneeyo waayeelada.

Isu soo baxan oo laagu magac daray gadoodka kalkaalisooyinka ka howlgala xanaanada waayeelada ayaa sidoo kale waxaa dowlada loogu gudbinayaa dokumenti ay ku saxiixan yihiin 15 000 kalkaaliso kaasi oo dalbanaya in wax laga qabto xaalado adag oo heysta shaqaalahaasi oo isugu jira, culeysyo shaqada ka jira iyo mushaharka ay qataan.

Rasmus Eliasson oo ah mas’uul ka tirsan ururka shaqaalaha kommunal ee degmada Halmstad ahna qudhiisa undersköterska lana hadlay weriye Andreas Svensson ee Sverigesradio ayaa sheegay in dadka ku shaqeeysta meherada undersköterska uu xaalkoodu adag yahay, shaqaalahuna ay aad u yar yihiin

Shaqada Goobaha Waayeelada iyo Sidoo kale Shaqada Baqaarada ee (Lagerka) ayaa ah Shaqooyinka ugu adag Dalka waxana mararka qaar dhacda mushaar yari.

Somaliksa Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here