Home Wararka Maanta Booliska Norway oo helay Muuqaal uu duubay Ninkii weeraray Masaajidka Al-Noor

Booliska Norway oo helay Muuqaal uu duubay Ninkii weeraray Masaajidka Al-Noor

0

Muuqaalkaan oo lagu duubay kaamira nuuca GoPro ah ayeysan booliisku doonayn inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan.

-Filim la duubay weeye wuxuuna noo yahay cadayn muhiim ah ayuu yiri Kraby.

Ninkan 21 jirka ah ayaa qorsheeyey inuu si toos ah khadka internetka u geliyo weerarkiisa.

Ninkan loo haysto weerarka masaajidka Al-Noor Islamic Centre ayaa sitay dhowr qori oo qaarkood laga shakisan yahay inay yihiin kuwo diiwaangashan.

Waaxda sirta PST ayaa arrin ku saabsan ninkan falka argagixiso ku eedaysan kala xiriirtay booliiska Oslo waqtigii xagaaga ee sannadkii hore. Taliye ku xigeenka booliiska Bjørn Vandvik ayaa qirtay in booliisku wax badan ka qaban kareen si looga hortago kiiskaan.

– Booliisku wax xiriir ah lama samayn eedaysanaha ama qoyskiisa kadib markii ay heleen fariinta walwalka sannadkii hore. Waxay samayn kareen wax badan haddana waa muhiim in la daba galo kiiskan oo kale. Ayuu yiri ku xigeenku booliisku.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here