Home News in English Malmö 14 Sano oo lagu xukumay nin Somali ah oo toorey ku...

Malmö 14 Sano oo lagu xukumay nin Somali ah oo toorey ku dilay Somali kale bartamaha Magaalada

0

Nin 47 sano jir ah ayaa lagu xukumay xabsi 13 sano iyo 10 bilood ah kadib markii uu midi ku diley nin kale dukaan ku yaala xaafada Rosengårtd ee magaalada Malmö sanadkii ina dhaafay.

Ninka ayaa ku tooreeyay dhowr jeer ninka kale 9-kii bishii oktober sanadii hore, goob dukaan ah oo ay ka wada shaqenayeen labada nin. 47-sano jirka ayaa qirtay in uu watay midida, balse doonayo in lasii daayo maadaama ay aheyd isdifaacid.

Si kastaba, maxkamada ayaan ku raacin sababta uu ninkan 47-sano jirka ahi ku doodayey iyadoona lagu cadeeyey inuu ku tala galkiisku ahaa in uu dilo saaxiibkiisa, sidaasina waxaa lagu qoray warsaxaafadeed ka soo baxay maxkamada malmö.

Ninka ayaa sidoo kale waxaa lagu xukumay in uu bixiyo magdhaw gaaraya  500 000 kr oo la siin doono ehelka dhibanaha.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here