Home News in English Maxamed Rafiiq oo noqday 65 sano jir ka hortagay ninkii Weeraray masaajidka...

Maxamed Rafiiq oo noqday 65 sano jir ka hortagay ninkii Weeraray masaajidka Al-noor ee Norway

0

Waa dhacdo warbaahinta gudaha Dalka norway hadal heysa 65 sano jir badbaadiyay nolosha dad badan oo ku tukanayay masaajid ku yaalla Banaanka hore ee Caasimada Oslo ee Norway.

Nin u dhashay Dalka Norway ayaa qorsheenayay in uu weeraro Masaajidka Al-noor ayaa looga hortagay gudaha masaajidka waxana ku guuleestay Maxamed Rafiiq ka hor inta aysan caawin jameecada Masaajidka.

Maxamed Rafiiq ayaa lagdin dhulka la dhigay Ninka weerarka soo qaban qaabiyay oo xirnaa jaakad nuuca aan xabada karin iyo labo qori.

inkastoo Maxamed Rafiiq soo gaaray dhaawac yar hadana waxa uu ku guuleestay heenta ninkaasi ilaa booliska uu kasoo gaaro goobta.

Raisal wasaaraha Dalka Norway ayaa Maxamed oo 65 sano jir ah ku tilmaamtay Halyeey badbaadiyay naftiisa iyo Nafta kumanaan kale.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpost

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here