Home Wararka Maanta Weerar loo geestay Masaajid ku yaalla Caasimada Oslo ee Dalka Norway

Weerar loo geestay Masaajid ku yaalla Caasimada Oslo ee Dalka Norway

0

Weerar ayaa loo geestay Masaajidka Al-Noor Islamic Centre ee ku yaalla Duleedka Caasimada Dalka norway ee Oslo.

Weerarka ayaa dhacay shalay oo Sabti aheyd waxana ku dhaawacmay hal Qof oo dadiisa lagu sheegay 75 sano jir.

Jameecada Masaajidka ku tukaneysay ayaa iska difaacay ninkaasi oo doonayay in uu Masaajidka gaarsiiyo dhibaato intaasi ka badan sida uu booliska u sheegay warbaahinta.

Bookiska ayaa u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan Ninka weerarka ka danbeeyay waxana baaritaan kadib gurigiisa laga helay Haweeney meyd ah oo loo badinayo in uu isaga dilay.

Dhanka kale Booliska ayaa sheegay in Ninkaan looga shakisan yahay dilka Xubno Qoyskiisa kamid ah isla markana baaritaan kadib lasoo bandhigayo xog buuxda.

Somaliska Oslo

Xigasho/Norwaytoday

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here