Home Wararka Maanta Magaalada Skellefteå oo raadineysa Shaqaale kuwa aan wali soo Shaqeenin

Magaalada Skellefteå oo raadineysa Shaqaale kuwa aan wali soo Shaqeenin

1
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Waxaa la filayaa in degmadda Skellefteå laga waayo ama ku yaraadaan shaqaale ka shaqeeya wershad kuwa beteriga sammeeya ah oo dhowaantan laga furayo degmadaasi.

Haddaba maamulka degmada Skellefteå ayaa baadi goob ugu jira shaqaale ka shaqeeya wershada beetariga ee shirkadda Northvolt ka furaneyso degmadaasi.

Dadka ay doonayso degmada ayaa si gaar ah waxay u yihiin dadyowga aan weli soo gelin suuqa shaqada Sweden.

Joel Hedlund oo ka tirsan madaxda gobolka Västerbotten oo ah halka ay ku taalla degmada Skellefteå oo la hadlay sverigesradio ayaa sheegay in Sweden ku nool yihiin dadka dibedaha ka soo jeeda oo aysan weli u suuragelin in ay galaan suuqa shaqada waana kuwa ay doonayaan maamulka degmada in ay soo jiidato.

Hase yeeshee Katarina Borstedt oo ka tirsan shirkadda wershada furaneysa ayaa sheegtay in ay loolan tahay sida dad cusub loogu soo jiidan karo magaalada Skellefteå  oo ku taalla waqooyiga Sweden lehna cimilada qaboqga ee cirifka waqooyi.

– Skellefteå dabcan kuma qeybta hore ee diiwaanka goob dadka ay doonayaan in ay u soo guuraan, ayay tiri Katrina Borstedt.

Balse Mohamed Asim oo u dhashay dalka Afghanistan oo hay’ada socdaalka guri ugu hshay magaaladda Skellefteå marka uu helay sharciga deganaanshaha, ayaa ka sheekeynaya fursadaha shaqo ee yaalla magaaladaasi iyo sidoo kale magaaladda in ay tahay meel degan oo qurux badan oo weli sii horumareysa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here