Home News in English Tirada Dadka loo diiday Sharciga Sweden iyo Nolosha ay ku heestaan Dalka...

Tirada Dadka loo diiday Sharciga Sweden iyo Nolosha ay ku heestaan Dalka gudahiisa

0

Wax qabadka ay helaan  dadka hela diidamada sharciga ee Sweden laguna celiyo dalalka ay ka yimaadeen, ayaa aad u yar sida uu sheegay mas’uul ka tirsan hay’adda socdaalka.

– Kolka aan eego waxa loo qabto dadka hela sharciga, waxay indhaheygu qabtaan mashaariic is dhexgal oo gaaraya boqolaal guud ahaan dalka, waana wax wanaagsan balse kuwa loo diido sharciga marka aan eego xaggooda, waxaan arkaa shan mashruuc keliya, ayuu yiri Terje Torvik oo ah mas’uulka howlaha ee hay’adda socdaalka oo la hadlay Radio Sweden.

Illaa iyo imminka 3400 oo qof ayaa helay sharciga deganaanshaha halka 6 000 oo qofna ay diidmo heleen codsigoodii koowaad kuwaasi oo in badan oo ka mid ah lagu qasbay in ay ku laabtaan dalalka ay ka yimaadeen.

Waxaa dadkaasi ka mid ah Abdul oo ku noolaa Sweden muddo saddex sano ah balse lagu celiyay Afghanistan markii loo diiday sharciga.

Abdul waxuu imminka joogaa dalka Afghanistan oo ay ku heysato dhibaato culus waxuuna sheegay in uu jeclaan lahaa in ay jirto kaalmo ka hor iyo ka dib marka la is masaafuriyo.

– Marka aad saddex sano ku soo noolaato dal kale, waxaad lumineysaa aqoonta bulshada halkan. Haddii aad dooneysid in aad bilowdo waxbarasho ama shaqo, waxaad u baahan tahay in lagaa caawiyo. Waxaad u baahan tahay kaalmo aad ku dhisato noloshaada, ayuu yiri Abdul.

Mashruuc loogu magac daray Barnets bästa vid återvändande oo micnaha ugu dhow noqon karo, waxa ugu habboon ubadka lagu celinaayo dalkooda, ayaa sannadkii 2017 laga bilaabay degmada Strömsund.

Waa mashruuc shaqaalaha caawiya caruurta aan la wehlin loo tababaro si ay ugu diyaariyaan caruurtaasi dib u noqosho ka hor inta aysan diidmo ka helin hay’adda socdaalka. Mashruucan ayaa maanta wuxuu ku shaqeeyaa ilaa iyo 15 degmo.

Elisabeth Lindholm oo ah shaqsiga hoggaaminaya mashruuca degmada Strömsund, ayaa sheegtay in farqi weyn u dhaxeeyo qofka marka uu diyaar yahay iyo marka uusan ahayn, iyada oo sheegtay in ay habboon tahay in kulamo wadahadal iyo xog siin ay u baahan yahay ubadkan ka hor inta aysan noqon qaan gaar.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosveige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here