Home Wararka Maanta Dad loo xiray Kufsi ka dhacay Xaafada Hässelby Habeeninadii Xalay

Dad loo xiray Kufsi ka dhacay Xaafada Hässelby Habeeninadii Xalay

0

Gabar da’yar ah kana hooseesa 18 sano jir ayaa xalay waxaa kufsi loogu geestay Xaafada Hässelby ee Galbeedka Caasimada Stockholm

Kufsigaasi ayaa loo qabtay 3 Qof oo mid kamid ah Haween tahay sida uu sheegay Booliska oo ka hadlay dhacdadaasi oo dhacay xalay saacada markay aheyd 01:00 am.

Ola Österling oo u hadlay Booliska ayaa sheegay in uu jiro Qof Afaraad kaasi oo la raadinayo kaasi oo lagu tuhunsan yahay falkaasi.

Goobta uu ka dhacay Falka Kufsiga ayaa la xiray waxaana bilowday baaritaan xoogan oo ku aadan dhibaatada ka dhacday Xaafada Hässelby.

Dalka Sweden waxaa Mamnuuc ka ah kufsiga waxa qof uu ku muteesan karaa Ciqaab adag qaasatan Kufsiga dhalinyarada ka hooseesa 18 sano jirka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here