Home Wararka Maanta Sweden Iskuulada lagu Barto Kaxeenta Gawaarida oo Dambiyo adag lagu eedeeyay

Sweden Iskuulada lagu Barto Kaxeenta Gawaarida oo Dambiyo adag lagu eedeeyay

0

Dalka Sweden ayaa kamid ah Wadamada sida aadka ugu adag qaadashada Sharciga lagu kaxeeyo Gawaarida ee loo yaqaano (Körkort)

dhibaatada loo maro qaadashada Sharciga ayaana keentay in Goobo Waxbarasho loo tago baritaanka iyo Kaxeenta Gaariga lakin taasi waa mid Qaali ah.

waxaa hada soo badanaya iskuulada lagu barto kaxeenta gaariga kuwaasi oo jabiyay Sharciga Dalka Sweden ama qayaano ku sameeyay Sharcigaasi.

Qayaanada ayaa ku saabsan Macalimiinta iskuulada oo aan heysan Aqoon ku filan iyo iskuulada oo Ardayda ka caawiya in ay xadaan ama Qayaano ku sameeyaan imtixaanka.

Stefan Lundberg oo ka tirsan Ekobrottsmyndigheten ayaa sheegay in tani ay tahay halis isla markana u maleenayaan kooxo gangis dambiyo soo geestay in ay ka tirsanyihiin iskuuladan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here