Home Wararka Denmark Denmark oo lagu Xiray Dadkii ka danbeeyay Dilka Dhalinyaro Sweden kasoo jeeda

Denmark oo lagu Xiray Dadkii ka danbeeyay Dilka Dhalinyaro Sweden kasoo jeeda

0

Mudo Sadax isbuuc kahor waxaa Caasimada Denmark lagu dilay dhalinyaro kasoo jeeda Sweden kuwaasi oo rasaas lagu furay gaari ay wateen.

Dilka ayaa la xiriiray Khilaaf ka dhaxeeya kooxaha Gangiska sida warbaahinta gudaha soo bandhigeen waxana xiligaasi kadib socday baaritaan la xiriira falkaasi ka dhacay Caasimada Copenhegan gaar ahaan qeybta soo xigta dhanka Sweden.

Sida uu Qoray Joornalka Expressen. waxaa gacanta lagu dhigay ku dhawaad 3 qof oo la aaminsanyahay in ay ka danbeeyeen dilka loo geestay dhalinyaradaasi dhawaan lagu dilay Waqooyiga Caasimada Copengegan.

Xiritaanka sadaxda qof ayaa timid kadib xiriir wadajir ah ay sameeyeen Booliska Sweden iyo kuwa Denmark oo la socday Dilalka dhacay iyo khilaafka u dhaxeeya kooxaha gangiska oo socotay mudo dhoor sano ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Expressen. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here