Home Wararka Maanta Sweden Maxkamad Xukun ku riday nin Eeygiisa uga dhex tagay gaari Dhexdiisa

Sweden Maxkamad Xukun ku riday nin Eeygiisa uga dhex tagay gaari Dhexdiisa

0

Nin dadiisa lagu sheegay 30 sano jir ayaa lagu riday Ganaax lacageed kadib markii uu Eeygiisa kaga dhex tagay gaari uu dhigtay goobaha gaariga la dhigto.

Ganaaxa ninka ayaana yimid kadib markii uu Gaariga uga dhex tagay eygiisa  xiliga gaariga uu ahaa mid aanan laheyn wax Hawo ama Hawo aysan u daarneen.

dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Kalmar  Waxana ninka uu bixiyay lacag gaareysa 1,500 kun oo Kr sida ay ku warameyso Idaacada P4.

Caadiyan eeyda ayaa loogu tala galay in galiyo qeybta danbe ee gaariga si halkaasi uu kaga qaato neefta ama loo furo hawada gaari lakin midkoodna ninkaani ma sameenin waxana Maxkamada u aragtay in uu galay Danbi la xiriira dhanka Xaquuqda Xayawaanka.

Somaliska Kalmar

Xigasho/Alkompis

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here