Home Wararka Maanta Qaab Casri ah oo loo badalayo Liisanka (körkort) lagu wado Gawaarida Sweden

Qaab Casri ah oo loo badalayo Liisanka (körkort) lagu wado Gawaarida Sweden

0

Hey’adda gaadiidka ”Transportstyrelsen”ayaa hada baadi goob ugu jirta qaabkii loo casriyayn lahaa aalada kaarka liisinka ”körkort”taasi oo intii ruuxu haysan lahaa kaarka uu qaab kale oo casri ah u haysan karo.

Mustaqbalka dhow ayaa laga yaabaa in laga taqaluso wadashada lafta amba kaarka liisanka islamarkaana taa bedelkeedu qofku telefoonkiisa uu ku haysan karo si la mid ah aaladaha kale.

Talo soo jeedin arimahaan la xiriira oo dhowr jeer kusoo laalaabtay hey’adda Gaadiidka ayaa sababtay in iminka ay isku howshu sidii ay u keeni lahaa qaab casri ah oo ruuxu mobilekiisa uu si sahlan ugu haysan karo Leesinka.

Daraasad hordhac ah oo la sameeyay ayaa dhawaan soo idlaanaysa iyadoo ay taasina hormuud u noqon karto in leesinkaaga aad qaab sahlan ugu soo dagsan karto telfoonkaaga.

-Hormarka ayaa ah mid ka socda wadamada badan,su’aasha ayaana ah in qofku leesinkiisa ku haysan karo telfoonkiisa intuu uu u wadan lahaa kaar ahaan.maanta waxaa jira alaabo badan oo qofku ku haysan karo mobile-ka,marka maxuusan ruuxu leesinkiisa mobile-ka uusan ugu haysan karin.ayuu sheegay  Per-Ola Skarviken oo ka mid ah hey’adda gaadiidka.

Waxa Uuna sidoo Per-Ola kale tusaaleeyay in laga yaabo in mustaqbalkaba ay macquul noqoto in laga maarmo sidashada leesinka gabi ahaanba.

-Haa, miyaad xitaa u baahan tahay waadashada liisanka maanta? Boliisku islamaantaba ayuu u isticmaali karaa diiwangelinta hay’adda gaadiidka ee Iswidhan marka ay hubinayaan liisanka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here