Home Wararka Norway Dhibaato ka taagan Xiliga Nasashada Shaqaalaha ee Goobaha qaar

Dhibaato ka taagan Xiliga Nasashada Shaqaalaha ee Goobaha qaar

0

Waxaa wali jira cabashada ku aadan nasiinada maalin laha ah ee ay qaataan shaqaalaha xilliga shaqada.

Shirkadaha ayaa ku kala duwan qaabka nasiinada xilliga shaqada iyadoo ay jiraan shirkado jadwalka shaqada ku xisaabiya nashada maalin laha ah,taasi oo la tilmaamay in ay keento in shaqaalaha ay qaataan xilli ka badan saacada nasashada.

Waaxda talo bixinta daryeelka caafimaad 1177  ee gobolka Västra Götaland ayaa muujisay cabasho xoogan oo ku aadan arintaan si loo kordhiyo faya qabka shaqaalaha.

Saddex sanno ka hor ayay ahayd kolkii ay waaxda talo bixinta daryeelka 1177 ee  Västra Götaland ay soo bandhigeen cabasho ku aadan nasiino xumada shaqaalaha xilliyada shaqada iyadoo walaac ka keentay kalkaali-yeyaasha daalan ee qabta shaqooyinka dheer iyo bukaanada oo waqti dheer suga taas oo keentay in shirkado badan ay xilliga nasashada shaqada ay ku xisaabiyaan saacadaha shaqada ee maalin laha ah.

-Qeybo ka mid ah kalkaali-yeyaasha waxa ayba iska aadaan socod lugo baxsi ah,qaarkood waa ay iska fariistaan iska qaraaxaystaan,taasi waa wax iska caan ah,bal sifiican uga shaqeysii maskaxdaada oo ku fakar wax akle oo wanaagsan,  ayay sheegtay Annette Wollin oo ah maamulaha waaxda talo bixinta daryeelka ee 1177 ee Skövde.

Taa bedelkeeda waxaa jira cabashooyin ku aadan xoriyada shaqaalaha iyo sida ay u heli lahaayeen xuquuqda go’aanka xilliyada shaqadooda iyo nasiinadoodaba.

Nanna Gillberg oo dhawaan sameeyay cilmi baarista loogu magacdaray Gothenbourg ee ku aadan shirkadaha shaqada iyo shaqaalahooda ayaa sheegay.

– Teknoolojiyada digital’ka ah waxay ahayd mishiinka dadka u horseeday inay ka shaqeeyaan meel kasta islmarkaana ay shaqeeyaan waqti kastaa. Waxay horseedday heerar cusub. Waxaan helnay xuduudo xaddidan oo u dhexeeya shaqada iyo xuquuqda fasaxa nasiinada ee goobaha shaqada gaarka loo leeyahay iyo xirfadlaha,

Si kastaba daraasadihii ugu dambeeyay ee laga sameeyay habka fasaxa nasashada ee shaqada ayaa muujinaya in nashada shaqada ku xisaabsan xisaabsan saacadaha shaqada ay yareeysay maqnaashaha shaqaalaha ee jirada.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here