Home Wararka Maanta CSN oo warbixin ku Cadeesay Sababta Arday Badan Loogu diiday Lacagta Caawinta...

CSN oo warbixin ku Cadeesay Sababta Arday Badan Loogu diiday Lacagta Caawinta Waxbarashada

0

Sanad-dugsiyeedkii ugu danbeyey ayaa arday badan laga joojiyey lacagta waxbarashada ee studiebidrag kadib markuu badnaadey maqnaashahooda, sida ku xusan warbixin cusub oo ka timid CSN.

Ardayda Sweden ee dhigata dugsiga sare ayaa gaareysa 339 000 iyadoo tiro gaareysa 29 600 oo ka mida ardaydaa laga joojiyey lacagta waxbarasho kadib markuu batay maqnaashooda ka qeyb qaadashada waxbarashada. Tiradaa ayaa u qalanta boqolkii 8,7 dhamaan ardayda dalka taasoo ah ah tiro aad u badan.

Dugsiyada qaaska loo leeyahay ayey sii kodhayaan ardayda sida sharci darada uga maqnaata waxbarashada marka loo eego iskuulada degmada. Wiilasha ayaa ka maqnaasha badan marka la barbar dhigo gabdhaha.

CSN ayaa arday badan ka caawisa Lacagta ay Noloshooda ku dabaraan marka ay waxbartaan Madama aysan Shaqo aysan u heli karin Fursad.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here