Home Wararka Maanta Norway oo Somalida uga digtay in ay u Safraan Qeybo kamid ah...

Norway oo Somalida uga digtay in ay u Safraan Qeybo kamid ah Dalka Somaliya

0

Dowlada Norway Qeybteeda Wasaarada Arimaha Dibada ayaa soo saartay digniin ay muwaadiniinta Somalida uga digeyso in ay safar ku tagaan Dalka Somaliya.

Digniinta ayaana ku soo aadeysa iyadoo uu bilowday Fasaxa Xiliga kuleelaha la baxo kaasi oo dadka badankooda ay u baxaan wadanka dibadiisa.

Qeybta Wasaarada ku leedahay internetka ayaa lagu soo bandhigay wadamada aan safarka lagu tagi karin sanadkan waxana ku jira Dalka Somaliya oo halis badan lagu sheegay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in aanan safar lagu tagi karin Somaliya gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha Somaliya lakin waxaa amaan yar lagu tilmaamay dhanka Waqooyi iyo Puntland.

Dowlada Norway oo amaan daro ku tilmaameysa Somaliya ayaa dhanka kale sharciga u diida Somalida iyadoo isticmaaleysa in Somaliyda tahay nabad gaar ahaan Caasimada Muqdisho.

Somaliska Oslo

Xigasho/regjeringen.no

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here