Home News in English Booliska Norway oo lagu Ganaaxay Tarxiilida Nin Somali ah oo Awood loo...

Booliska Norway oo lagu Ganaaxay Tarxiilida Nin Somali ah oo Awood loo adeegsaday

0

Waa mid kamid ah Falalka ugu adag ee ka dhacay Dalka Norway kadib markii Booliska Norway Qeybta qaabilsan Tarxiilida ay Tarxiilieen Nin Somali ah kaasi oo loo adeegsaday Awood Xad dhaaf ah.

Booliska ayaa ninkaasi u tarxiilay qaab ka baxsan dhanka Sharciga iyagoo Xiliga Tarxiilka madaxda u galiyay koofiyad bir ah Sidoo kale ayay dhagaha u galiyeen Aalad qofka ka xirta Maqalka iyagoo intaasi kadib katiinad kaga xiray gacmaha iyo lugaha iyo dhexda.

Baaritaan lagu sameeyay Booliska qeybta qaabilsan ayaa lagu ogaaday falkaasi lagula kacay Ninkaasi soo galootiga ee kasoo jeeda Dalka somaliya falkaasi oo dhacay Sanadkii 2017 waxana ninkaasi laga dajiyay Caasimada Muqdisho.

Booliska Norway oo dhexdiisa isku sameeyay baaritaanka ayaa hada 100,000 kun ku ganaaxay booliska ku kacay falkaasi oo sharciga ka baxsan.

Dhanka kale Qeybta Tarxiilka ee Booliska u qaabilsan arinkaasi ayaa sheegay in hada kadib ka fiirsanayaan in Falkaasi oo kale kula kacaan Qof.

Somaliska Oslo

Xigasho/ABCNyheter

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here