Home News in English Sweden oo Xalay looga adkaaday Ciyaaraha Kubada Cagta Aduunka ee Hablaha

Sweden oo Xalay looga adkaaday Ciyaaraha Kubada Cagta Aduunka ee Hablaha

0

Xulka Hablaha Sweden ayaa xalay ku hungoobey inay usoo baxaan dhamaadka Koobka Adduunka.

Kulan ku qabsoomay Stade de Lyon, kaddib markii ay nus-dhamaadka kaga adkaadeen hablaha Holland oo ay gool madi ahaa ku maray.

Sweden ayaa fiicnayd gelinkii hore ee ciyaarta, iyagoo ka faa’iidaysanayay jug suulka ka gaartey Lieke Martens oo ah jookarka kooxda holland, taasoo gelinkii dambe ciyaarta iskaga baxday.

Hablaha Sweden oo sidoo kale aad u firfircoonaa qaybo badan oo ciyaarta ka tirsan ayaa fursado badan abuuray, iyadoo kubad gool loo fishay ay birta la dhacday gabadha Nilla Fischer, waloow gabadha Sweden goolka u ilaalisa ee Hedvig Lindahl lafteeda dhowr mar la tijaabiyay, waxaana ugu darnayd  mar ay iskala jiiddey si ay u bixiso laad xooggan oo ka yimi dhanka weeraryahanadda Holland ee Vivianne Miedema.

Holland iyo Sweden ayaa 90-kii daqiiqo dhamaystay iyagoo aan waxba kala macaashin waxaana sharciyan khasab ahayd in la dheereeyo waqtiga ciyaarta, waana markaas goorta la gaarey qosolka Holland iyo qamuunyada Sweden.

Gabadha khadka dhexe ka dheesha ee Jackie Groenen ayaa kubad ay meel fog kasoo toogatey ku hubsatay shabaqa Sweden, isla rubicii 1-aad ee waqtiga dheeriga ah. 1-0.

Sweden oo si ba’an iskugu dayday inay ciyaarta barbarrayso ayaa si kastaba fara maran kala tagtay garoonka, waxay se haatan Sabtiga wajahayaan hablaha Ingiriiska oo ay ku qalboobtami doonaan billada maarta ee kaalinta 3-aad.

Halka hablaha Holland ee guusha soo hooyay ay billada dahabka ah ku haystaan dhiggooda Maraykanka oo ay Axadda isku arkayaan gegada Parc Olympique Lyonnais ee magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here