Home News in English Dowlada Cusub ee Denmark oo Sharciga u soo cilineysa Qaxootiga Somalida ee...

Dowlada Cusub ee Denmark oo Sharciga u soo cilineysa Qaxootiga Somalida ee buuxiyay Sharuudahan

0

Dowlada Cusub ee Denmark ayaa soo saartay go’ano cusub kuwaasi oo fursad siinaya Qaxootiga Somalida ee ku nool Dalka isla markana sharciga horay looga ceshtay.

Xisbiga la wareegay Xukuumada oo garab ka helaya xisbiyada kale ee Garabla Bidix ayaa shaaca ka qaaday in Sharcigiisa dib loogu soo cilinayo qof kasta oo shaqeenayay labada sano ee lasoo dhaafay kaasi oo heesta shaqo rasmi ah.

go’anada  kale ee dowlada soo saaraty Waxaa kamid ah in qofka aanan helin go’anka Maxkamada ee kiiskiisa uu xaq u leeyahay fursad kale uu dalka ku joogayo.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayay dowlada shaki weyn galisay iyadoo sheegtay in Dadka Qaxootiga ee kasoo cararay Muqdisho aanan dib loogu celin karin madama amaanka Muqdisho aanan leesku haleen karin isla markana damaanad loo qaadi karin qofka lagu celiyo.

Go’anka Dowlada Cusub ee Denmarka ayaa noqday mid fursad xoogan siiyay Qaxooti badan oo ku sugan Dalka kuwaasi oo heestay go’ano dib loogu celinayo Somaliya.

Somaliska Copenhehan

Xigasho/nyheder.tv2.dk

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here