Home Wararka Denmark Toogasho lagu dilay Labo Qof oo Sweden kasoo jeeda oo ka dhacday...

Toogasho lagu dilay Labo Qof oo Sweden kasoo jeeda oo ka dhacday Caasimada Copenhegan

0

Sida ay shaaciyeen Warbaahinta Caasimada Malmö Fiidnimadii Caawa ayaa rasaas lagu furay gaari sweden laga leeyahay oo ku sugnaa Caasimada Copenhegan.

Gaariga waxaa saarnaa labo qof waxana mid kamid ah uu ku dhintay goobta mid kale oo dhaawac ahaa waxaa uu dhintay saacad kadib sida uu sheegay Booliska Denmark.

Gaariga lagu furay rasaasta ayaa laga leeyahay Dalka Sweden gaar ahaan Caasimada Sadaxaad ee Malmö waxana Booliska Denmarka ay sheegeen in baaritaan uu socdo.

Joornalka Aftonpladet ayaa qoray in gaariga laga leeyahay malmö lakin booliska Denmarka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo arinkaasi.

marka laga soo tago wararkaasi Warar kale oo Somaliska heshay ayaa tilmaamaya in labada qof ay asal ahaan kasoo jeedaan Somaliya.

Wixii ku soo kordha lasoco

Somaliska Malmö

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here