Home Wararka Maanta Sharciyo Cusub oo lagu soo kordhinayo Talafashinka iyo Raadiyaha Sweden oo Barlamaanka...

Sharciyo Cusub oo lagu soo kordhinayo Talafashinka iyo Raadiyaha Sweden oo Barlamaanka la horgeeyay

0

Dowladda Sweden ayaa maanta Baarlamanka horgaysey hindiseheeda cusub oo ku aaddan sida ay u shaqayn doonaan idaacadaha iyo TV-ga Sweden 6-da sanadood ee soo aaddan, iyadoo la soo kordhiyey shuruudo cusub.

Wasiirka Dhaqanka Sweden, Amanda Lind oo bogga wargeeyska DN debatt maqaal ku qortay sheegtay inay tahay in si ballaaran looga baaraan dego inaaney hay’aadka warfaafineed ee maxalliga ahi ku ciriiriyin shirkadaha madaxa bannaan ee dhaqaalaha ku helo xayeeysiinta ku ciriirin magaalooyinka yaryar.

Waxaa intaa dheer, in aad loo hubin doono shaqooyinka iyo barnaamijyada ay qabanayaan hay’adahan lagu maalgeliyo canshuurta dadwaynaha, si aanay u khilaafin sida uu dhigayo xeerka u yaalla hay’adaha qabta adeegyada dadwaynaha ee loo yaqaanno publiktjänst.

Wasiiraddu waxay sheegtay in la adeegsan doono qaabab cusub si dadwaynaha loogu sahlo inay ka qayb qaataan barnaamijyada ay baahinayaan hay’adaha SR iyo SVT, balse waxay wasiir Amanda Lind soo jeedisey in adeegsiga baraha bulshada lagu daro taxaddar aad u badan.

Idaacadda raadiyaha ee SR iyo TV-ga SVT ayaa sidoo kale la saaray mas’uuliyad dheeraad ah oo ku saabsan inay kasoo warramaan dalka Sweden oo idil, iyadoo gaar ahaan looga baahan yahay inay il gaar ah u yeeshaan meelaha aan inta badan laga soo warramin ama aan sidaa loo danaynin.

Waxyaabaha cusub waxaa ka mid ah in la joojiyay khidmaddii laga qaadi jirey TV-yada ee Radiotjänst oo laga maamulayay magaalada Kiruna, taasoo iminka laga dhigay canshuur caadi ah, waxaana 144 milyan oo karoon oo adeeggaa ku bixi jirtey loo weecinayaa dhanka barnaamijyada dadwaynaha, waxaase dib u qiimayn dhanka kharashka ah oo gaaraya 2% lagu samayn doonaa labadii sanaba mar.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here