Home News in English Norway Darawal Somali ka xeeya Basaska oo 7 Sano Sharci la’an ah...

Norway Darawal Somali ka xeeya Basaska oo 7 Sano Sharci la’an ah kadib markii laga ceshtay.

0

Dalka Norway oo kamid ah Wadamada Sida aadka sharciyada uga ceshtay qaxootiga ayaa Sharciga waxa uu ka ceshtay Somali badan oo tiradooda lagu sheegay 1600 qof kuwaasi oo mudo dhoor sano aanan sharci heysan.

Cilmibaaris lagu sameeyay xaalada Dadkaasi ayaa lagu ogaaday in ay yihiin kuwa nolosha iyo isdhexgalka bulshada kasii dhacaya marka la eego saameynta Sharciga laga ceshtay.

Dadka badankooda ayaa sharcigooda dib looga ceshtay iyadoo loo shegay in la eegayo xaalada wadamada ay kasoo jeedaan ee dhanka amaanka.

Mid kamid ah Dadkaasi ayaa ah Darawal wada gawaarida nuuca Basaska waxana uu la hadlay Talafashinka NRK isagoo sheegay in dhibaato xoogan ku yeelatay waqtiga uu sugayo jawaabta oo hada mareysa 7 sano.

Gudiga sameeyay Cilmibaarista ayaa dowlada ugu baaqay in ay dib u eegto xaalada dadkaasi oo u nugul in ay nolosha ka dhacaan.

Hay’ada laanta Socdaalka ee UDI ayaa dhankeeda ka jawaabtay cilmibaarista waxayna ay sheegtay in waqti badan u baahanyihiin sidii kiisaska loo kala saari lahaa.

Somaliska Oslo

Xigasho/NRK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here