Home News in English Germalka Naceebka loo qabo Yahuuda oo ku sii kordhaya Bulshada dhexdeeda

Germalka Naceebka loo qabo Yahuuda oo ku sii kordhaya Bulshada dhexdeeda

0

Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo ay la soo gudboonaatay degannaansho la’aan la xiriirta yuhuud nacaybka dalkeeda.

Waraysi uu la yeeshay telefishinka CNN ayey ra’iisul wasaaruhu ku sheegtay in dalkeeda uu ka jiro yuhuud nacayb ay qabaan qaar ka mid ah bulshada.

Laakiin nasiib darro illaa maanta, ma jirto hal goob cibaado yuhuuda, hal xannaano ee ilmaha yuhuuda, hal iskuul ee ardayda yuhuuda ee aan u baahnayn in booliiska jarmalka illaaliyo ayey tiri Merkel.

Waxay intaas ku dartay in ay tahay wax laga xumaado in Jarmalka uusan lahayn hab cad oo lagu qanci karo oo lagu maareeyo arrintaan.

Warbixin rasmi ah oo la soo saaray ayaa muujisay in heerka yuhuud nacaybku uu kor soo kacay 10 boqolkiiba sannadadii 2017 illaa 2018, 1.504 kiis uuna gaaray 1.646 kiis. Sidoo kale tirada carqaladaha ka dhanka ah yuhuuda ayaa ka kordhay 37 illaa 62 isla waqtigaas.

Somaliska Germany

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here