Home News in English Xukun lagu riday Maxamed Nuur oo Saaka ka dhacay Maxkamad Minneapolis

Xukun lagu riday Maxamed Nuur oo Saaka ka dhacay Maxkamad Minneapolis

0

Garsoore ku sugan maxkamad ku taal magaalada Minneapolis ee gobolka Minisoto ee dalka  ayaa xabsi 12 sano iyo bar ah ku xukumay Maxamed Nuur oo ahaa askari ka tirsan booliska Minneapolis.

Maxamed Nuur ayaa asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya, waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii booliska ee Soomaalida ahaa ee ugu horreyay ee ka mid noqdo Booliska Mareykanka.

Guddi xeer-beegti ah oo  eegayay dacwad dil ah oo lagu soo oogay Maxamed Nuur  ayaa ku helay laba danbi oo dil ah.

Mid ka mid ah dambiyada lagu helay ayaa ah dilka darajada heerka saddexaad, waxaase lagu waayey dilka darajada heerka labaad, oo ciqaabtiisa ka badnaan lahayd Midkaan.

Maxamed Nuur ayaa loo haystay dilka gabar caddaan ah oo lagu magacaabay Justine Damond, oo u dhalatay dalka Australia.

Nuur ayaa dilay Justine Ruszczyk Damond  oo booliska wacday kadib markii ay baqdin dareentey 2017-kii.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here