Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay Degmada Linköping oo 20 ruux waxyeelo kasoo gaartay

Qarax ka dhacay Degmada Linköping oo 20 ruux waxyeelo kasoo gaartay

0

Wararka laga helayo Degmada Linköping ayaa waxay sheegayaan in halkaasi saaka uu ka dhacay qarax aan la aqoon waxa uu yahay kaasi oo sababay qasaaro kala duwan.

Sida ay ku waramayaan warbaahinta ku dhawaad 20 ruux ayuu kasoo gaaray waxyeelo ay sababeen dhalooyinka guryaha burburay sidoo kale waxaa  burburay daaqado iyo balakoono goobta uu ka dhacay qaraxa.

Booliska Magaalada wali ma sheegin waxa keenay Qaraxa iyo sidoo kale waxa uu yahay lakin dadka dhibaatada soo gaartay labo kamid ah ayaa loo qaaday isbitaalka kuwaasi oo xaaladooda yara cusleed.

Qarax ayaa dhacay shalay oo jimco ah abaaro 09:00 subaxnimo iyadoo dadka doonaya in ay warbixin ka helaan sida wax u dhaceen ay tagi karaan hoolka lagu dabaasho oo aan sidaasi uga fogeen goobta.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here