Home Wararka Maanta Hay’ada Sooshiyaalka Sweden oo Afar Caruur ah kala wareegtay Waalidkooda

Hay’ada Sooshiyaalka Sweden oo Afar Caruur ah kala wareegtay Waalidkooda

0

Hay’ada Sooshiyaalka ayaa afar caruur ah kala wareegay Waalidkooda kadib markii lagu helay in ay Caruurtooda u diideen aadista iskuulka Waxbarashada iyo Goobaha kale ee Xanaanada caruurta lagu heyo.

Falkan oo Sanadkii hore ka dhacay Demgada Skåne ayaa keenay in Waalidka lagu soo helo dambiyo ay kamid yihiin safar ay ku tagayaan dalka Mareykanka oo been ahaa madama ay wadanka joogeen in caruurta aysan helin xaquuq ku filan.

Hay’ada Sooshiyaalka ayaa soo bandhigtay in guriga qoyska uusan nadaafad laheyn uu aad u wasaqeesnaa.

Dad badan oo Xaafada ku nool ayaa sheegay in marhore ay ku wargaliyeen Degmada lakin ay iska indho tireen hadalkooda.

kormeerayaasha iskuulka ayaa hada bilaabay baaritaan la xiriira qaladka uu sameeyay maamulka Degmada madama aysan baaritaan ku sameen qoyska ka hor inta uusan falkaasi dhicin.

Somaliska Skåne

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here