Home News in English Qaxooti ay ku jiraan Somali oo laga daad gureeyay Dalka Liibiya

Qaxooti ay ku jiraan Somali oo laga daad gureeyay Dalka Liibiya

0

Afhayeenka  Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR, Babar Balooj ayaa sheegay inay shaqaalaha Hay’adda ay 96 Qaxooti ah shalay galab ka soo daad-gureeyeen Xeradda dadka lagu hayo ee Zintan oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Afhayeenka oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay inay Qaxootigaasi ay ku jiraan Muwaadiniin ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea, Ethiopia iyo 2 ilmo oo maalmo ka hor dhashay.

Waxa u uintaasi ku daray inay Qaxootigaasi  ku sii nagaan doonaan Dhismo Jaamacadeed, ilaa laga soo dhamaystirayo daad-gureyntooda, iyadoo loo qaadi doono dalal dibedda oo ay ka heleen Dib-u-dejin.

Dhinaca kale, Afhayeenka  Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR, Babar Balooj waxa uu tilmaamay inay Hay’adda haatan Qaxootigaasi siinayaan Cunto, Hoy, Daaweyn iyo Taageero dhanka Cilmi-nafsiga si maskaxiyan loogu illowsiiyo Walbahaarkii hore ee ay ka soo qaadeen Xarunta dadka lagu hayo ee Zitaan.

Xaalladda  Xeradaasi oo ay haatan ku xaniban yihiin 654 Qaxooti kale ayaa la sheegay inay ka jiro xaallad aad u daran oo khatar ku ah caafimaadka iyo iyadoo aad u buux dhaaftay.

Somaliska Liibiya

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here