Home Wararka Maanta Norway oo keentay Caruurta ugu horeesay ee Suuriya laga soo qaado

Norway oo keentay Caruurta ugu horeesay ee Suuriya laga soo qaado

0

Duulimaad ka mid ah kuwa shirkadda SAS oo sida shan carruur Norweejiyaan ah oo laga soo qaaday xeryo ku yaalla Suuriya ayaa la keenay Norway.

Diyaarad siday carruurtaan waalid la’aanta ah ee isla dhashay ayaa kasoo degtay garoonka diyaaradaha Gardermoen, halkaas oo si gaar ah loogu leexiyey qaybta ciidanka milateriga ee garoonkaas.

Markii ay diyaaraddu soo joogsatay ayaa laga soo dejiyey carruurta oo da’doodu u dhaxayso hal sano illaa todoba sano. Carruurta kan ugu yar ayaa lagu siday kursiga carruurta lagu qaado halka kuwa kale ay gacmaha ishaysteen, waxaana la socday dad badan oo galbinayey.

Ilo wareed ayaa u sheegay wargeyska VG in carruurta uu duulimaadka SAS ka soo qaaday goor hore oo isniintii ah magaalada Arbil ee waqooyiga Ciraaq. SAS waxay u xaqiijisay wargeyska in duulimaadkaan ay dirtay wasaaradda arrimaha dibadda dalkan.

– Waan ku faraxsanahay in carruurtan shanta ah ee waalid la’aanta ah kuna jiray kaamka al-Hol ee Suuriya ay hadda ku soo wajahan yihiin Norway. Kuwani waa carruur la soo kulmay wax aysan ahayn inay la kulmaan. Waa kuwo nugul waayo waa ilmo keli ah, sidaas darteed ayaa muhiimadda koowaad u siinay. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii gacan ka gaysatay howshaan aan fududayn, ayey tiri Ra’iisul wasaare Erna Solberg (H) kadib markii loo sheegay in la soo qaaday carruurta ayna imaanayaan Norway.

Wasiirka arrimaha dibadda Ine Eriksen Søreide (H) oo shir jaraa’id qabatay ayaa sheegtay in soo qaadista carruurtaan walaalaha ah aysan ahayn mid fudud balse tixgelin la siiyey bedqabkooda maadaama ay ku sugnaayeen meel kaam ah.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here