Home Wararka Maanta Xisbiga Liberalerna oo ka hooseeya Booska loogu tala galay Doorashada Sweden

Xisbiga Liberalerna oo ka hooseeya Booska loogu tala galay Doorashada Sweden

0

Hayadda saadaalainta ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB, Statistiska centralbyrån, ayaa maanta soo bandhigtay saadaalinteedii taageerada codbixiyeyaasha.

Xisbiga Liberalerna ayaa saadaalinta ku helay 3,7%, middaasina oo ka hooseeysa 4%, ahna xadka loo baahan yahay in ugu yaraan la gaaro si  xildhibaanno loogu yeelan karo baarlamanka. Halka uu xisbiga Kristdemokraterna uu yahay xisbiga saadaalintan ay guushu ku raacday.

-Xisbiga Kristendemokraterna ayaa saadaalinta ku helay 13% waana kor u kac taageero gaarsiisan 7,6% wixii ka dambeeyay bishii noveembar 2018. Waana kor u kac aad u ballaaran, waa taageeradii abid ugu sarreeysay, sida uu sheegay Furtenbach.

Saadaalintan ayuu xisbiga Sverigedemokraterna ku hantiyay taageeradii labaad ee xisbiyada dalka ka jira wuxuuna ku helay 17,1 boqolkiiba.

Natiijadii saadaalinta SCB ee bishii maajo 2019 iyo (natiijadii SCB-noveembar 2018)

2019-2018

Socialdemokraterna: 27,6 (30,5) Hoos u dhac 2,9%
Sverigedemokraterna: 17,1 (18,3) Hoos u dhac 1,2%
Moderaterna: 16,0 (19,2) Hoos u dhac 3,2%
Kristdemokraterna: 13,0 (5,4) Kor u kac 7,6%
Vänsterpartiet: 8,7 (8,4) Kor u kac 0,3%
Centerpartiet: 6,9 (8,6) Hoos u dhac 1,5%
Miljöpartiet: 5,6 (4,0) Kor u kac 1,6%
Liberalerna: 3,7 (4,3) Hoos u dhac 0,6%

Dhammaan xisbiyada kale: 1,3 (1,2) Kor u kac 0,1

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here