Home Wararka Maanta SMHI Kuleel aad u sareeya oo dib ugu soo laabanaya Gobolada Dalka...

SMHI Kuleel aad u sareeya oo dib ugu soo laabanaya Gobolada Dalka Sweden

0

Sida ay shaacisay hay’ada Cimilada u qaabilsan Dalka Sweden waxaa la filayaa in isbuucaan uu dib u soo laabto kuleelka aadka u sareeyay ee xiliga xagaaga ama Saamarka kaasi oo laga dareemayo Gobalada Dalka Sweden.

Kuleelka oo ka bilaabandoona Bartamaha Yurub ayaa noqon doona mid laga dareemo Koonfurta Dalka Sweden halka dhanka waqooyi ay jiridoonaan Qabow iyo Cimilo aan la saadaalin karin sida ay sheegtay SMHI.

Kuleelka ayaa badankiisa gaaridoona 20 ilaa 30 Digrii isagoo bilaandoona isbuucan bilowgiisa halka maanta oo axad ah laga dareemaya qeybo kamid ah Wadanka.

Maalinta Arbacada ayuu si rasmi ah u soo laabandoonaa Kuleelka Xiliga Saamarka iyadoo maalinta Qamiista oo ku beegan Maalinta Qaranka uu ku soo aadayo kuleel iyo Cimilo feecan.

Kristian Silver oo ka tirsan SMHI ayaa ugu danbeyn sheegay in Cimilada ay yihiin kuwa isbadali kara ilaa dhamaadka isbuucan lakin rajeynayaan in uu ku dhamaado sida ay sheegeen.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here