Home Wararka Norway Sweden Qofkii ugu horeeyay oo ku dhintay Shil uu la galay Iskuutarka...

Sweden Qofkii ugu horeeyay oo ku dhintay Shil uu la galay Iskuutarka Casriga

0

Nin 27 jir ah ayaa shilkii ugu horeeyey la galay basakiilka nuuca iskuutarka elektronikada ah oo uu xawaare daran ku waday.

27-jirkaan ayaa xawaare sare ku waday iskuutarka isagoo isla markaana kasoo daadegayey meel dalcad ah markaasoo uu ku yimid samaafare, laakiin lama xaqiijin inuu samaafaruhu xirnaa iyo in kale. Shilkaan ayaa ah kii ugu horeeyey ee dhimasho sababa ee baaskiilka elektronik-ga ah ee Iskuutarku uu ku galo Sweden.

Cilmi-baare ka tirsan waaxda gaadiidka Sweden Hans Cassepierre ayaa qaba in nuucan baaskiilkan oo ah mid casri ah ay tahay in laga leexiyo waddooyinka, mas’uulkaan ayaa u waramay wakaalada wararka TT.

Iskuutarkan casriga ah ayaa sannadkan ku baahay magaalooyinka Norway sida uu ugu baahay kuwa Sweden. Qaybta xaaladaha degdega ah ee magaalada Malmö ayaa sheegay in todobaad walba dad door ah oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray iskuutarkan la keeno isbitaalka magaaladaas.

Somaliska Stockhom

Xigasho/Nettavissen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here