Home News in English Meydka Wiil Somali ah oo laga Helay Magaalada Otterndorf ee Dalka Germalka

Meydka Wiil Somali ah oo laga Helay Magaalada Otterndorf ee Dalka Germalka

0

Booliiska Jarmalka ayaa habeen hore xilli saq dhexe aheyd waxay nin Soomaali ah oo 26 sano jir ah meydkiisa ka heleen guri uu degnaa oo ku yaalla magaalo la yiraahdo Otterndorf oo dalkaas ku taalla.

Boliiska ayaa waxaa wargeliyey dad Soomaali ah, oo meydka ninkan arkay, iyadoo Otterndorf ay ku taallo gobolka Niedersachsen.

Saraakiisha Booliisku ayaa sheegay iney aaminsan yihiin in la dilay ninka ka dib markii ay jirkiisa ka heleen calaamado muujinaya in la dilay, iyagoo haatana wada baaritaano la xiriira sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysay.

Ninkan Soomaaliga ah ee lagu dilay dalka Jarmalka oo aan magaciisa la sheegin ayaa meydkiisa waxaa gacanta ku haya booliska oo baaritaan ka dib ku wareejin doona Soomaalida si ay u aasaan.

Somaliska Germany

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here