Home News in English Mahad Abiib oo loo diiday Basaboorka Somaliga uu ku Safri lahaa

Mahad Abiib oo loo diiday Basaboorka Somaliga uu ku Safri lahaa

1

Sida uu sheegay Mahad Abiib oo ah Somali laga ceshtay Dhalashada Dalka Norway waxaa Muwaadinka loo diiday in la siiyo Basaboorka Dalka Somaliya si uu ugu safro Dalkiisa Somaliya.

Mahad Abiib oo muuqaal iska soo duubay ayaa Xaqiijiyay in Safaarada Somaliya ee Dalka Biljimka ay u diiday Basaboorka Somaliga isla markana uu sugayo wali.

Waxa uu intaasi ku daray Mahad Abiib in uu Lacag tiro badan ku bixiyay sidii uu ku heli lahaa Basaboorka Somaliga isla markana ugu safri lahaa Dalka Somaliya.

Mahad Abiib ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in uu tagay Xaruunta Safaarada isla markana lagu dalbaday Boolis kadib markii uu codsaday in uu ogaado waxa ku dhacay Helitaanka Baaaboorkiisa waxa uu intaasi ku daray in uu markale la balansanyahay Safaarada isbuucan dhexdiisa.

Hadalka Mahad Abiib ayaa ku soo aadaya Xili dowlada Norway ku adkeesatay in aysan dib ugu celin Dhalashadiisa Madama lagu heesto in uu kasoo jeedo Dalka Jabuuti

Somaliska Stockholm

Xigasho/wardoon

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here