Home Wararka Maanta War hada ah Götenborg oo lagu xiray Maamulo iskuul diini ah...

War hada ah Götenborg oo lagu xiray Maamulo iskuul diini ah oo Madax banaan

0

xili dhawaan maxkamad lasoo taagay aas aasihii Maamulka iskuulada Al-azhar ayaa wararka laga helayo Götenborg waxay sheegayaan in halkaasi lagu xiray maamulo kale oo madax ka ah iskuul madax banaan oo ku yaalla Caasimada Göteborg.

Ciidanka Amaanka qeybta booliska ayaa xabsiga dhigay nin lagu sheegay in uu ahaa Shaqsiga iska leh iskuul madax banaan oo ka dhisan Götenborg sida uu sheegay Joornalka Expressen oo soo xiganaya ilo lagu kalsoon yahay.

sida ay ku warameyso Säpo ninkaasi ayaa la xiray maalinta shalay oo Arbaco ah sida markale uu ku waramey raadiyaha P4.

Sababta loo xiray ninkaasi oo iska lahaa iskuulkaasi islaamiga ayaana lacadeenin Hay’ada Säpo dhankeeda wali war kama soo saarin sababta keentay xariga shaqsiygaasi.

Waa qofkii Shanaad ee la xiro kaasi oo maamul ka ah iskuulada diiniga ah ee ka dhisan Dalka Sweden mudo kooban gudaheed.

Somaliska Göteborg

Xigasho/expressen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here