Home Wararka Maanta Rasaas lagu Furay Masaajid ku yaalla Caasimada London ee Dalka Ingariiska

Rasaas lagu Furay Masaajid ku yaalla Caasimada London ee Dalka Ingariiska

0

Nin hubeesan oon wali heybtiisa la garan ayaa rasaas aan khasaaro geesan ku furay masjid kuyaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, arintan ayaana dhacday xili la dukanayay xalay salaada taraawiixda.

Booliiska magaalada London ayaa lagu wargaliyay in nin hubeesan uu damacsan yahay in uu galo gudaha masaajid kuyaala xaafada Seven Kings ee magaalada London.

Qaar kamid ah dadkii ku cibaadeesanayay masjidka ayaa la sheegay in ninka hubeesan ka hor istaageen in uu galo gudaha Masjidka, waxaana markaas kadib la maqlay rasaas.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in rasaasta aysan ka dhalan wax khasaaro ah, waxa ayna sheegeen in ay socdaan baaritaano lagu soo qabanayo ruuxa hubeesan.

Wali lama oga ujeedka ruuxa hubeesan ee rasaasta ku riday masjidka kuyaala magaalada London, waxa ayna arintan kusoo aadeysaa xili bil kahor weerar dad badan lagu dilay uu ka dhacay masaajid kuyaala dalka New Zealand.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here