Home Wararka Maanta Norway Hooyo Somaliyed oo Maxkamada ugu Sareysa Yurub geesay Dacwad kala dhaxeysa...

Norway Hooyo Somaliyed oo Maxkamada ugu Sareysa Yurub geesay Dacwad kala dhaxeysa Hay’ada Caruurta (Barnevernke)

0

way adag tahay in ay ku dhiiradaan Hooyooyin badan oo ajaanib ah sida ay ku dhiiratay mid kamid ah Hooyooyinka Somaliyed ee ku noo Dalka Norway taasi oo caruurteeda laga qaatay.

Sida uu qoray Joornalka Dagbladet Mid kamid ah Hooyooyika Somaliyed ee ku nool Norway ayaa laga qaatay caruurta ay dhashay si qasab ah iyadoo lagu wareejiyay Qoys gaalo ah oo heesta diinta masiixiga.

Hooyada oo ka walwalsan dhibka gaaray ayaa dhoor jeer Maxkamada ka dacweysay Hay’ada caruurta Norway ee Falkaasi ku dhaqaaqday lakin go’anka ay sameesay waxaa diiday Maxkamada sare oo raacday go’anka Hay’ada Barnevernke ay caruurta ku qaadatay.

sida uu qoray joornalka markale waxay Hooyada somaliyed ay kiiskeeda u gudbisay Maxkamada ugu sareysa Yurub ee Xuquuqul insaanka taasi oo la filayo in ay go’an ka gaarto kiisan iyo kiisas kale oo loo gudbiyay goor hore.

Dalka Norway ayaa kamid ah wadamada sida aadka Caruurta ugu qaata Waalidka ajaanibta iyagoo sabab uga dhiga in aysan qaadi karin xaquuqda caruurtaasi.

Somaliska Oslo

Xigasho/Dagbladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here