Home Wararka Maanta Göteborg Nin Neceb islaamka oo tagay Masaajidka Bellevuemoskén kadibna waydiiyay Xiliga lagu...

Göteborg Nin Neceb islaamka oo tagay Masaajidka Bellevuemoskén kadibna waydiiyay Xiliga lagu badanyahay Masjidka

0

Nin da’diisa lagu sheegay afartameeyo ayaa gacanta lagu dhigay, kaasi oo lagu tuhunsan yahay dembi culus.

Tallaabadaasi ayaa ka dambeeysay sida ay war ku heshay laanta wararka Ekot, booqasho uu ku tagay masjidka Bellevuemoskén oo dhaca waqooyiga magaalada Göteborg, isagoo u dhaqmay qaab shaki badan dhaliyay.

Sida akhbaarta lagu sheegay waxa uu wax ka weeydiiyay xilliga ey dadka ugu badani ku sugan yihiin masjidka oo salaada ku tukadaan.

Ninkan ayaa gacanta lagu dhigay fiidnimadii xalay, iyadoona uu ciidanka ammaanka ee nawaaxigaasi ay u sheegeen laanta wararka Ekot inuu jiro shakhsi gacanta lagu dhigay oo xabsiga loo taxaabay. Welise ma cadda cinwaanka dembiga lagu soo oogi doono nikaasi.

Ninkan ayaa horay ugu muujiyay naceeyb iyo karah uu u qabo diinta islaamka aaladaha ay bulshadu ku kulanto isla markana ku soo bandhigaan fakarkooda

Somaliska Goteborg

Xigasho/radiosverige.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here