Home Wararka Maanta Baaritaan Lagu ogaaday cida badan Haweenka iyo Rage dhalinyarada Sweden ee taageersan...

Baaritaan Lagu ogaaday cida badan Haweenka iyo Rage dhalinyarada Sweden ee taageersan Qaxootiga

1

Baadhitaan ay sameeysay heeyada dhalinyarada iyo arrimaha bulshada ee loo soo gaabiyo MUCF ayaa lagu ogaaday in faraq u dhaxeeyo fikradaha ay hablaha iyo inamadu ka haystaan bulshada.

Baaritaankan ayey hablaha lagu wareeystay badanood muujiyeen fikirka ah in qaabilaada qaxootigu tahay wax wanaagsan halkey aqlaabiyad ka mid ah inamada la wareeystay sheegeen in ay ka soo hor jeedaan.

Dhalinyarada la wareeystay ayey tiradoodu tahay 6000. Da´dooduna u dhaxeeysaa 16 ilaa 29 jir.

Dhanka kale ayey hablaha iyo inmada la wareeystay hal wax ku mideeysnaayeen in daryeelka caafimaad uu yahay su´aasha ugu muhiimsan bulshada. Waana markii ugu horeeysay oo caafimaadku galo kaalinta koowaad.

Lena Nyberg oo ah agaasimaha guud ee heeyada MUCF ayaa jawaabtan ka bixisay sababta daryeelka caafimaadi ugu noqday su´aasha ugu qiimaha badan ee dhalinyaradan.

-Waxaa ay ila tahay in xanuunada maskaxda iyo streesku ku soo batay bulshada, taas ayaa sababi karta inay dhalinyaradu su’aashan qiimeeynayaan. Waana dhibaato ay dhalinyarada la wareeystay la kulmeen mar uun, waa sida aan filayo ayey sheegtay.

Baadhitaankan ayaa sido kale laga ogaaday in isdhexgalka bulshada, sinaanta iyo cimiladu tahay su´aalo kale oo ay dhalinyaradu qiimeenayaan.

Su´aalaha hoosta ugu dhacay liiska intii baadhitaankan la waday ayaa ah shaqo la´aanta iyo suuqa shaqada, ayey tidhi Lena Nyberg oo agaasime guud ka ah heeyada MUCF loo soo gaabiyo.

Baadhitaankan oo lixdii sannadood mar la sameeyo ayaa la bilaabay sannadkii 1993.

Somaliska Stockhom

Xigasho/radiosverige

AD

1 COMMENT

  1. hablihii cadaanka ajaanib baa baabah ka dhigtey seey u shuquleynayeen taas aya ku kaliftay raga cadanku iney ajanibka nacaan saa nagahoodi ayaa ka cararay iyaguu shuquladaas ajaanibta radinaya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here