Home Wararka Maanta Akhriso Dooda Madaxda Xisbiyada Sweden loo qabtay oo isbadal Cusub laga dareemay

Akhriso Dooda Madaxda Xisbiyada Sweden loo qabtay oo isbadal Cusub laga dareemay

0

Dooddii hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka Sweden ey ku yeesheen fiidnimadii axaddii  idaacadda la iska daawado ee SVT waxay markii ugu horreeysay muujisay i bedelka qariidadii siyaasadeed ee dalka wixii ka dambeeyey doorashadii bishii sebteembar 2018.

Iyadoona xisbiyada Liberalerna iyo Centerpartiet ey garab taagnaayeen  labada xisbi ee isku baheeystey hoggaanka dalka ee Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet, halkii ey horey u garab taagnaan jireen xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterna.

– Waxaa ka dhashay isbedel dhaqdhaqaaq cusub, maadaama ey dhismaha dawladda saldhig u ahaayeen heshiiskii janaayo ee dhex marey afarta xisbi, su’aalaha ayaa markaa noqonaya kuwo si ka duwan loo dhigo, sida uu sheegay madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven.

Hoggaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt ayaa ku hanjabay inuu dawladda ku ridi doono codeeyn loo qaado, middaasina oo uu ku macneeyay isbedellada lagu talo jiro in lagu sameeyo xeerarka ammaanka shaqaaleeynta iyo hirgelinta nidaamka suuqa furan ee kirooyinka.

– Waa midda xisbigeenna loogu baahan yahay sidii xisbiyada garabka midig looga ilaalin lahaa iney awoodda gacanta ku dhigaan iyo in la go’aamiyo cidda awoodda gacanta ku hayan lahayd, sidaa daraadeed ayaannu u xaddeeysanney howlaha dalka laga hirgelin karo, sida uu sheegay Jonas Sjöstedt.

Waana fikir uu taageero kaga helay hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee Moderaterna, Kristdemokraterna iyo sidoo kale hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson, balse uu shaki ka muujiyay in handadaadda Jonas Sjöstedt ay sababi karto dhalashada dawlad uu hoggaaminayo xisbiga Moderaterna.

– Waa un sawaxan xaddidan, waxbana suurtagal kama ahan, mana ahan tallaabo uu xitaa isku dayi doono, ma ahan wax uu sameeyn doono, sida uu sheegay Jimmie Åkesson.

Dooddii cimilada ayay hoggaamiyaha xisbiga Miljöpartiet, Isabella Lövin weearar la beegsatay xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterna iyo in aaney xisbiyadaasi laheyn wax siyaasad ah ee kaga aadan dhanka cimilada. Kolka laga eego dhanka ballanqaadyadoodii ololihii doorashada iyo dhanka siyaasadda dhaqaalaha ee dhimista miisaaniyadda howlaha cimiladaba.

– Waa xaalad ku adag, maadaama uu shacabku u arko iney howlaha cimiladu yihiin kuwa ugu muhiimsan, waxaa muujinaya baaritaannada iyo dhallinyarada ku bannaanbaxaysa waddooyinka ee leh in howlaha cimilada aan la dhayalsan karin. Shuruud ayay saareen dadka waawayn iyo inay middaa xil iska saaraan iminkaba, sida ay sheegtay Isabella Lövin.

Ulf Kristersson, hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna ayaa su’aashaa sidan uga jawaabay.

– Haddii middaa loola jeedo rabitaan sarreeya ee hagaajinta cimilada , dhimista wasakhda hawada lagu daayo, waa in markaa la koronteeyo oo haddii aan la dooneeyn tamar ka timaada dhuxusha ama gaas laga keeno dalka Ruushka, waxaa loo baahan yahay tamar laga helo warshadaha ku shaqeeya quwadda atoomikada- kärnkraft, oo wasakhda ka saafi ah, waxaan aaminsanahay inay su’aashaa ku qaldan tahay, sida uu sheegay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here