Home News in English Norway Xisbi soo jeediyay in Dusha lagala Socdo Caruurta dhigata Dugsiyada Quraanka

Norway Xisbi soo jeediyay in Dusha lagala Socdo Caruurta dhigata Dugsiyada Quraanka

0

Dowlada Norway iyo Xisbiyada ka jira Dalka ayaa fakar ahaan ka siman halista ka imaan karta Dugsiyada Quraanka sida dhoor jeer ka sheegeen warbaahinta gudaha iyadoo taasi ay keentay in Talafashinada Dalka ay baahiyaan warbixino caruur dugsi quraan loogu geeyay dalkooda Hooyo.

Xisbiga Frp oo kamid ah Xisbiyada Norway ayaa soo jeediyay Hindise dhigaya in Caruurta dhigata dugsiyada Quranka Norway in dusha lagala socdo.

jon helgheim oo kamid ah Xisbiga ayaa sheegay in loo baahan yahay ogaanshaha mudada caruurtaasi ay ku suganyihiin dugsiyada iyo waxyaabaha lagu baro xiliga ay joogaan dugsiga oo mudo dheer ah.

jon helgheim ayaa intaasi ku daray in Caruurta Qaxootiga ay u baahanyihiin waqti dheeraada ah oo la qaataan caruurta kale ee Asal ahaan kasoo jeeda Norway si ay isdhexgal u sameeyaan.

Kulan uu sameenayo Xisbiga isbuucaan ayaa diirada lagu saarayaa Xaalada soo galootiga Norway iyadoo gudi kamid ah Xisbiga looga dhageesanayo warbixin ay ka diyaariyeen Qaxootiga Dalka.

Somaliska Oslo

Xigasho/ABCnyheter

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here