Home News in English Migrationsverket oo la wareegeysa Masuuliyada hawlaha socdaalka safaaradaha Sweden iyo qunsuliyadaha dibadda.

Migrationsverket oo la wareegeysa Masuuliyada hawlaha socdaalka safaaradaha Sweden iyo qunsuliyadaha dibadda.

0

Hay’ada laanta socdaalka Dalka Sweden ee Migrationsverket ayaa heysa Shaqooyin kala duwan waxana hoos yimaada dhamaan safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Dibada hase yeeshee sharci cusub oo dhawaan la ansixiyay ayaa dhigaya in hay’ada ay la wareegeyso guud ahaan masuuliyada Safaaradaha dibada.

Sharciga oo bilaabanaya bisha January Sanadka 2020 ayaa dhigaya in Laanta Socdaalka ay la wareegeyso guud ahaan masuuliyada Safaaradaha iyo Qunsuliyada Dibada iyadoo bixineysa mushaharka shaqaalaha ka shaqeeya Wadamada dibada.

Shaqooyinka Safaaradaha dibada ayaa hada gacanta ugu jirta Maamul Ajanabi ah lakin sida sharciga dhigayo guud hawshaasi waxaa la wareegaya Laanta socdaalka Dalka Sweden.

– Hadda waxaan eegaynaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee aan u baahanahay inaan qaadno si aan ugu gudubno sida ugu macquulsan, ayuu yidhi Agaasimaha Guud Mikael Ribbenvik.

Dowlada Ayaa lacag gaareysa 165.5 milyan u balanqaaday laanta Socdaalka Sanadka 2020 si ay ugu fuliso Shaqooyinka Cusub ee la hordhigay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Migrationsverket

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here