Home Wararka Maanta Norway Tirada Soo galootiga Codeen kara Doorashada Sanadkan oo lasoo saaray

Norway Tirada Soo galootiga Codeen kara Doorashada Sanadkan oo lasoo saaray

0

383.400 qofood ajnabi ah ayaa xaq u leh inay ka codeeyaan doorashada soo socota ee dayrta ee degmooyinka iyo gobolada dalkan Norway.

Dadkii ugu badnaa ee yeesha xaquuqda codaynta ee dalkan Norway ayaa lagu wadaa inay codeeyaan doorashada gobolada ee dalkan ka dhacaysa dayrta nagu soo aadan ee sannadkan.

Tirakoobid ay samaysay SSB ayaa lagu sheegay in dad kor u dhaafaya 4.197.000 qof ay ka codayn doonaan doorashada waqtiga dayrta. Waxaa la sheegay in tirada ku korortay codeeyayaasha tan iyo doorashadii ugu dambaysay ay gaarayso qiyaastii 180.000 qof.

Maadaama sida doorashada baarlamaanka aysan ku xirnayn qofku inuu codeeyo haysashada dhalashada dalkan, waxay dad badan oo haysta dhalashada dalal kale laakiin wadankan ka haysta degannaansho muddo saddex sano ah soo jiray xaq u leeyihiin inay codeeyaan marka la qabanayo doorashada degmooyinka iyo gobolada. Dadka kasoo jeeda dalalka nordanka la yiraahdo waxaa shuruud ku ah inay Norway u soo gureen ugu dambayn 30 juun.

Soo galootiga sannadkan loo dirayo fariimo ku aadan inay ka codayn karaan deegaankooda ayaa la sheegay inay gaarayaan 383.400 qofood.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here