Home News in English Shirkada diyaaradaha SAS oo joojisay 200 oo duulimaadyo maanta oo jimco ah

Shirkada diyaaradaha SAS oo joojisay 200 oo duulimaadyo maanta oo jimco ah

0

Shirkada Diyaaradaha SAS ayaa maanta oo jimco hakisay dulimaadka diyaarada ee Qaarada Yurub kadib markii shaqaalaha shirkada gaar ahaan duuliyayaasha ay ku dhawaaqeen shaqo joojin.

Duuliyaasha oo ka cabanaya mushaharka shirkada ayaa joojiyay shaqadooda waxana arintaasi keentay in 200 oo duulimaad in ay hakadaan maanta oo jimco ah sida shirkada ay sheegtay.

Dhoor isbuuc kahor shaqaalaha iyo Maamulka Shirkada ayaa ka fadhiistay heshiis dhanka mushaharka ah lakin heshiiskaasi ayaana lagu guuleysan iyadoo intaasi kadib ay bilaabatay shaqo joojinta.

Duuliyayaasha oo u dhashay Wadamada Sweden , Norway iyo Denmark ayaa ka cabanaya mushaharka iyo sidoo kale qorshaha shaqada ee shirkada iyadoo taasi ay keentay in 70,000 kun oo rakaab in laga hakiyo safarkooda.

Tirada Shaqalaha joojiyay shaqada ayaa lagu sheegay 1400 kun oo duuliye waxana sadax sano kahor dhacday sidaan oo kale xiligaasi oo afar maalin ay shaqo joojin sameeyeen hase yeeshee lama oga muda ay qaadaneyso hada.

Somaliska Gotenborg

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here