Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo Xeerka Shaqaalaha ee LAS ku Sameeneysa baaris Sidii Wax...

Dowlada Sweden oo Xeerka Shaqaalaha ee LAS ku Sameeneysa baaris Sidii Wax looga badali lahaa

0

Dawladda ayaa maanta u saari doonta baaris sidii wax looga bedeli lahaa xeerka shaqaalaha ee magaciisa loo soo gaabiyo LAS, xeerkaasina oo oranaya cidda shaqada ugu dambeeysay ayaa ugu hor baxeeysa haddii shaqaalaha la dhimeyo.

Wasiirka suuqa shaqada Ylva Johansson ayay u muuqataa khataro ka iman kara tallaabadaas, iyadoona sheegtay in aanay ku qanacsanayn go’aankaa.

– Haa, xaqiiqdii waxaan ku dareemayaa culays iyo xannuun ayaan oran karaa.

Mar wasiiradda la weeydiiyay waxa ugu xanuunka badan dhankeeda ayay tiri: 

– Runtii halista in xaaladda ammaanka shaqaaluhu ka xumaato, halkii ay ahayd in laga sii hagaajiyo, sida ay sheegtay Ylva Johansson.

Su’aasha la xiriirta xeerka shaqada ayaa ahayd middii ugu adkayd ee wadahadalladii dawladda iyo xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna ee 73-kii qodob ee haeshiisyada lagu wada gaarey.

Baarista ay maanta dawladdu u saartay xeerka LAS waxaa lagu jaangooyey muddo sannad gudihiis in la soo dhameeystiro, iyadoona looga soo baaraan degi doono qodobo afar ah.

Kor u qaadidda tirada shaqaalaha ee shirkadaha laga fasey xeerkan oo la kordhiyo. Maanta ayey xaq u leeyihiin shirkadaha ey ka howlgalaan ugu badnaan toban ruux in xeerkan laga saaro laba xubnood oo shaqaalaha ka mid ah, hase yeeshee kor loo qaado oo laga badiyo.

– Waxaan ka duulayaa in aan loo baahnaan lahayn in xeerkaa wax laga bedelo, hase yeeshee waa mid ka mid ah qodobbadii lagu heshiiyey bishii jannaayo 2019, waana mid loo baahan yahay in la fuliyo, sida ay sheegtay Ylva Johansson.

In shaqabixiyaha la saaro masuuliyad ka ballaaran ee kobaca aqoonta shaqaalaha, waxayna noqon doontaa mid la xeereeyo oo khasab ah, sida ay sheegtay Ylva Johansson, wasiirka suuqa shaqada Sweden.

– Waxaa la soo saari doonaa xeer qaanuuni ah ee lagu qoro si loo adkeeyo masuuliyadda shaqa bixiyaha ee kobaca aqoonta shaqaalaha iyo meeleeynooda, waa mid lagu khasbanaan doono.

Gaar ahaan shirkadaha yaryar oo laga dhimi doono kharashka kaga baxa kolka shaqaale laga ceeyrineyo shaqada. Baarista ayaa sidoo kale soo qiimeeyn doonta inay soo jeediso qorshe looga gol leeyahay sidii la isugu dheeli tiri lahaa ammaanka shaqaalenimo ee dadyoowga haysta shaqada joogtda ah iyo kuwa haysta shaqo muddeeysan.

Ylva Johansson ayaan doonayn iney fikirrada ka soo dhasha baaristu aaney noqon kuwo hirgala, balse rajeeynaysa iney si un heshiis uga wada gaaraan ururrada shaqaalaha iyo shaqo bixiyeyaashu.

– Waxaan rajeeyn oo aan aaminsannahay iney doonaan sidii ey uga wada xaajoon lahaayeen, halkii laga hir gelin lahaa fikirrada baarista ka soo baxa, sida ay sheegtay mar uu wareeysi la yeeshay Anders Jelmin oo ka howlgala laanta wararka Ekot.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here