Home Wararka Maanta Faahfaahin Dab wali ka socda Dhulka keymaha ah ee koonfurta Dalka Sweden

Faahfaahin Dab wali ka socda Dhulka keymaha ah ee koonfurta Dalka Sweden

0

koonfurta Dalka Sweden qeyb badan oo kamid ah waxaa ka socda dab kaasi oo ku fiday dhulka keymaha ah waxana socota dadaal lagu daminayo dadkaasi.

Dabka xoogiisa waxuu ka socdaa Degmada Hässleholm halkaasi oo dad kor u dhaafaya 50 qof lagu amray in ay ka guuraan guryahooda iyadoo sidoo kale ay gubteen guryo ka agdhow goobta uu dabka ka socdo.

Diyaaradaha u kaca Qumaatiga iyo Dabdamisyo ayaa ku howlan daminta dabka hase yeeshee wali  dabkaasi waa uu socdaa sida ay sheegayaan maamulka Degmada.

Shaqaalaha dab damiska ayaa warbaahinta u sheegay in daminta dabka uu qaadanayo mudo dheer lakin waxay intaasi ku dareen in ay ka hortageen fidista dabkaasi.

Qaar kamid ah dadka ku nool Degmooyinkaasi ayaa laga mamnuucay in ay banaanka ku sameestaan waxa loo yaqaano Garilaha oo xiligan aad loo isticmaalo.

Dhanka kale Koonfurta Dalka Norway waxaa laga soo sheegayaa dab kale oo ka kacay koonfurta Dalka kaasi oo isla lala tacaalayo sidii loo damin lahaa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here