Home News in English Heshiiska guryaha oo laga Joojiyay 500, oo qof oo suuqa Madow guryo...

Heshiiska guryaha oo laga Joojiyay 500, oo qof oo suuqa Madow guryo ku kireeyay

1

tan iyo sanadkii 2015 shirkadaha kireeya guryaha ee Degmada Örebro ayaa bilaabay qorsho ay kula dagaalamayaan dadka suuqa madow ku kireeya guryahooda.

Warbixin lagu qoray Joornalka sida qaaska wax uga qora guryaha iyo kireentooda ee Örebro ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 500, oo qof laga kalsalay ama laga joojiyay heshiiska guryahooda.

Shirkada Örebrobostäder  ayaa sheegtay in sanad kasta 150 qof laga celiyo guryahooda iyadoo tirada ay mareyso 500 ilaa sanadkii 2015 oo la bilaabay kiisaskan.

Anna Karin B Magnusson. oo ka tirsan shirkada ayaa sheegtay in dadka laga celiyay guryaha ay iskugu jiraan siyaabo kala duwan.

Qoraalka Shirkadaha guryaha ee Örebro ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan dowlada Sweden ay shaacisay in Qofka kireeya gurigiisa qaab suuq madow ah uu ku muteesan karo Xabsi.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

1 COMMENT

  1. Asc qofka aan kireeyn karin guriga ma ku jiraa qofka isku filan ee lacagta kiraada iska dhiiba ama asaga shaqiisto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here